Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydad hor leh maanta laga helay dhismooyinka ku dhow isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Meydadka ayaa laga helay Daarta Soope, waxayna k ahaayeen xubno jir ban’ aadam oo laga soo saaray dhismooyinka, kuwaasoo aan la garan karin balse ahaa ilaa laba qof jirkooda, sida ay saxafiyiinta tuseen ciidamada goobta ku sugan.
Dhinaca kale arrin la yaab leh ayaa lagu arkay goobta markii la helay gawaarida kuwa raaxada ah oo ku burburay qaraxii dhacay, kuwaasoo dusha ka saarnaa Daarta Soope. Weriyeyaasha goobta tegay ayaa arkay ilaa laba gaari oo jugtii qaraxa ay qaaday iyagoo dul saaran Daarta dheer ee Soope, halkaasoo qaraxu aad ugu dhowaa.
Hore ayaa waxaa loo xaqiijiyay in dad ay ku dhinteen dhismooyin ka fog goobta qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxu ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca.
Goobjooge