Monday, July 14, 2025

Meydadka dad la gowracay oo laga helay duleedka Qandala & Daacish oo lagu eedeeyay

Wararka laga helayo degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in degaankaasi la soo dhigay saddex qof oo qoorta laga jaray.

Dadka degaanka ayaa sheegay saddexda ee meydkooda la helay oo iyadoo la gowracay ay ka dambeeyeen kooxda Daacish ee degaankaasi ka howlgasha oo hore u qabsatay degmada Qandala.

Dadka la gowracay ayaa la soo dhigay saaka aroortii lagu arkay jidka isku xira Tuulada Karin iyo degmada Qandala. Meydadkan ayaa waxaa la socday  waraaqado fariimo ah oo loogu hanjabay dadka degaanka.

Ciidamo ka tirsan Puntlad ayaa la sheegay inay saaka gaareen goobta oo ay howlgal ka fulin doonaan degaanada ku xeeran degmada Qandala. Waxaa laga cabsi qabaa in dadka la gowracay ay noqdaan askar ka tirsan ciidamada Puntland oo dhowaan ay Daacish ka afduubteen degaankaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON