Wednesday, June 25, 2025

Meydadka Dad lagu dilay Duqeyn ka dhacday Sh/hoose oo Muqdisho la keenay & Wararkii ugu danbeeyay

Waxaa magaalada Muqdisho la keenay maanta Meydad iyo dhaawacyoa Dad la sheegay inay xoogsato ahaayeen Ciidamo Howlgal ka sameeyay Gobolka Shabeelaha hoose ay xalay  ku weerreen degaanka Macalinka oo 18 KM u jira Afgooye una dhaxeeya Afgooye iyo Bariire.

Meydka shan ruux iyo Shan kale oo dhaawac ah ayaa dhigay Isbitaalka Mediana ee magaalada Muqdisho., iyadoo la sheegay ina meydad kale la soo wado, waxaana weerarka lagu eedeeyay ciidamada Mareykan iyo Soomaali wadajira.

Howlgal xalay ka dhacay degaanka Macalimka una dhow Bariire ayaa waxaa fuliyey ciidamo ku degay Diyaarad Helikobtarro ah iyadoo laayey dad fara badan, horena u watay 3 qof oo midkood dhaawac ahaa.

Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay in howlgalka laga fuliyay Sh/hoose lala beegsaday saldhig ay Alshabaab halkaasi ku lahaayeen, loona geystay qasaare badan, laakiin xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ku heyb dadkan oo Isbitaalka Medina kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dad shacab ah lagu laayay weerarka.

Arrintan ayaa lagu  tilmaamay inay tahay xasuuqii labaad ee Bariire ka dhaca, iyadoo weerarkii hore ay dowladda Federaalka magdhow ka bixisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON