Gabdho Soomaali ah ayaa meydkooda laga helay Haro ku taalla Xaafadda Chaska ee magaalada Minnesota, dalka Mareykanka, kadib markii la waayey habeenkii Jimcaha.
Labadan gabdhood oo lagu kala magcaabo Seynab Cabdalla iyo Xafsa Cabdi ayaa ahaa qaraabo habaryar isku ah oo qoys ka wada tirsan, waxayna dhowaan ka qalin jebiyeen dugsi sare iyagoo isu diyaarinayey inay jaamacad bilaabaan, isla markaana waxay ahaayeen gabdho shaqeeya.
Habeenkii Jimaha la waayey iyagoo shaqo aaday, waxaana maanta laga helay Haro ku taalla xaafadda Chaska, halkaasoo Gaarigii ay wateen uu kula dhacay, waxaana socda baaritaan, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay shilkan qabsaday.
Waxaa goobta laga helay meydadka isugu soo baxay dad fara badan oo Soomaali ah oo ay ka muuqatay murugo, iyadoo Booliska ay saddex maalmood ku qaadatay inay helaan gabdhahaasi.