Waxaa xalay Xaafadda Galmudug, degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho laga helay meydka gabar dhalinyaro ah oo la dilay.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Cali dadka degaanka ayaa Booliska kusoo wargeliyay inay arkeen meydka haweeneyda, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada Booliska oo geeyay xarunta CID-da.
Booliska ayaa sheegay in qofka la dilay ee meydkeeda lasoo dhigay xaafadda Galmudug ay ahayd Caasho Maxamed C/casiis oo 20 sano jir ahayd, isla markaana deganeyd degaanka Garasbaaley, iyado la dilay kadibna meydkeeda laga tuuray halkaasi.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in lagu raad joogo qofkii kad danbeeyay dilka gabadhaasi, iyadoo shacabka laga dalbaday inay Booliska la wadaagaan wixii macluumaad ah ee kiiskan ka hayaan.
Maamuka degaanka Garasbaalley ayaa sheegay in la helay raadka kiiska lagu dilay Marxuumay Caasho, sida Gurigiisii dilkeedu ka dhacay, loona qabtay dad, iyadoo la raadinayo Denbiilayaashii ugu muhiimsanaa dilkeeda.
