Monday, June 23, 2025

Meydka Marxuum Sangub oo laga dejiyay magaalada Jigjiga & Qabanqaabada Aaskiisa oo socota… [Sawirro]

Waxaa saaka Garoonka Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya laga dejiyey meydka Allaha u naxariistee Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub) oo ku geeriyooday magaalada Addis ababa.

Waxaa garoonka Jigjiga ku sugnaa madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar, mas’uuliyiinta maamulkaasi, wufdi ka socda dowladda Somalia, ehelka Abwaanka iyo dad fara badan, waxaana halkaasi loogu sameeyay maamuus heer sare ah oo ay horkacayeen Ciidammada baambeyda ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kaloo magaalada Jigjiga gaaray dad fara badan oo ka qeyb galaya aaska abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud C/llaahi Sangub oo ka dhici doona magaalada Jigjiga kadib salaadda Jimcaha ee maanta.

Ad

DAAWO SAWIRRADA

Image may contain: 1 person, standing, sky, crowd and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, beard and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, people walking, outdoor and nature
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON