Meydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa goor dhoweyd Saaka laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,
Waxa garoonka ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, xildhibaannada labada Gole, madaxda Maamul Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale, waxaana salaadda Janaasadda lagula tukanayaa Garoonka Muqdisho.
Diyaaradda sidey Meydka Marxuum Yariisow ayaa waxaa la socday xubno qoyskiisa ka mida. Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Diinta Soomaaliya ayaa u duceeyay Meydka ka hor inta aan lagu dukan Janaasada halkaas oo dadkii ka qeybgalay ay ugu duceeyeen.
Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada. Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Qabuuraha erada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.