Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa shaley warbixin ka siiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaaladihi ugu danbeeyey ee siyaasadda Soomaaliya.
Mr. Keating ayaa Golaha ammaanka u sheegay sababaha dib u dhigay doorashooyinki la rabay in ay dalka ka dhacaan bilaha soo socda. Sidoo kale waxa uu sheegay in qaabka ay u dhici doonaan doorashooyinka ay noqon doonaan kuwo hufan oo caalamkana si toos ah ula socon doono.
Wuxuu sheegay in dib u dhaca doorashada ay keentay cabsi iyo shaki laga qabo doorashada oo ay ugu muhiimsan tahay: Hanaanka Doorashada oo siyaasiyiin ay afduubaan, iyo in Dib u dhacyadu sii daba dheeraadaan.
Micheal Keating wuxuu warbixintiisa ku sheegay inuusan aamisnayn inuu jiro siyaasi danihiisa uga faa’iideysnaya doorashada. Wuxuuna cabsi muujiyay in dib u dhaca Doorashada aysan abuurin khalkhal iyo ammaan darro.