Sunday, July 13, 2025

Mid ka mida Madaxda Sare ee Alshabaab oo Bayaan Culus kasoo saaray Weerarkii Xabsiga Boosaaso

Alshabaab ayaa war kasoo saartay weerarkii ay ku qaadeen Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso, iyadoo farriin cod ah oo arrintan ku saabsan ay baahisay warbaahinta Alshabaab.

Mahad Axmed Warsame (Mahad Karatay) oo ka mida hoggaanka Sare ee Alsahbaab ayaa farriin cod ah soo saaray, wuxuuna sheegay in weerarkaasi u dhacay sidii loo qorsheeyay saqdii dhexe Jimcaha ay kusoo furteen dadkii Muslimiinta ku xirnaa Xabsiga Boosaaso, iyadoo howlgalkaasi lagu dilay 10 askari, ayna gubeen 3 gaadiid oo dagaal, ayna kusoo furteen 400 maxbuus oo ay ku jiraan gabdho muslimiin ah.

Mahad Karate ayaa sheegay in maxaabiista la geeyay goobo aamin ah, kadibna loo kala diray goobihii ay ka yimaadeen; isagoo maamulka Puntland ku tilmaamay Asha-haado la dirir, xabsiga Boosaasona uu ahaa meel ay maalgeliyeen Gaallada oo lagu dhibi jiray muslimiinta, sida uu yiri.

Wuxuu ku hanjabay inay weerari doonaan xabsiyada lagu heysto dadka, isagoo hambalyo udiray Alshabaab ka howlgala Buuraha Galgala ee Gobolka Bari oo uu sheegay inay guul weyn soo hooyeen oo taariikhda baal dahab ah ka galeen.

.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON