Tuesday, June 24, 2025

Mid ka mida saaxiibadii ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo oo shaqada ka tegay [Akhri sababta]

Mid ka mida saaxiibadii ugu dhowaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, qeybna ka ahaa ololaha doorashada qeyb ka ahaa ayaa isaga tegay xil hab maamuus oo looga magacaabay Madaxtooyada.

Siyaad Maxamuud Shire oo ka mid ahaa saddex qof oo madaxweyne Farmaajo magacaabay maalintii ugu horeeyay ee uu xilka la wareegay ayaa la sheegay inuu xilkii hab maamuuska ee madaxtooyada iska casilay, kana dhoofay magaalada Muqdisho.

Xogta ayaa sheegeysa in Siyaad oo hore ugu magacawnaa Qunsulka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ku qanci waayay xilka sida kumeelgaarka ah loogu dhiibay, iyadoo uu xaqiiqsaday inaan loo magacaabi doonin xil wasiir ka tirsan golaha wasiirada oo ahaa yoolkiisa.

Image result for siyaad maxamuud shire

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu wato nin kasoo jeeda beesha Siyaad Maxamuud Shire oo wasiir ugu qoran, taasoo keentay inay isku dhacaan madaxweyne Farmaajo, kana tago xilkii uu saluugay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Siyaad uu socdaalkiisa Nairobi la xiriiro arrimo caafimaad oo lasoo gudboonaaday.

Goobjooge.om

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON