Friday, June 27, 2025

Mid ka mida Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay mid ka mida shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL oo ahaa wiil dhalinyaro Aqoonayahan ah.

Maxamuud Cabdi Maadhiin ayaa dilkiisu ka dhacay agagaarka masjidka Xareed, Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka u geystay, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkiisa, inkastoo warar hore u soo baxay ay sheegayeen in koox burcad ay ka danbeysay oo dooneysay inay ka dhacdo Mobile uu sitay.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Jaamacadaha Muqdisho wax ka baratay, isagoo u shaqeynayey shirkadda isgaarsiinta SOMTEL. Xilligan ayaa dilalka kala duwan ku soo badanayaan magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON