Sunday, July 13, 2025

Mid ka mida wasiirada cusub ee Hirshabeelle oo is-casilay & Xildhibaanno ka hor yimid Wasiirada cusub

Mid ka mida golaha wasiirada cusub ee uu maanta ku dhawaaqay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka iska casilay.

Wasiiru Dowlihii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Hirshabeelle Ismaaciil Maxamed Culusow oo maanta xilka loo magacaabay ayaa shaaciyay inuu diiday iskana casilay xilka loo magacaabay.

Wuxuu sheegay inaan lagala tashan xilka uu u magacaabay  Madaxweynaha Hirshabelle, isla markaana aanu aqbali karin xilkaasi, isagoo sabab uga dhigay qaabka awood qeybsiga beelaha.

Dhinaca kale xildhibaan Sharma’arke Xasan Ganey oo ka mida xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sheegay inaysan aqbaleynin qaabka loo magacaabay Golaha Waiiirada Hirshabeelle isagoo ku eedeeyay madaxweyne Waare inuu magacaabay dadkii uu jeebkiisa kala soo baxay oo qaarkood aanay kasoo jeedin Hirshabeelle.

Xildhibaan Sharma’arke ayaa sheegay in Madaxweyne Waare ku kacay khiyaano markii u xildhibaanada u sheegay inay keensadaan magacyada musharixiinta beelahooda, kadibna uu magacawday qaar uu isagu watay xildhibaanadiisa ku ceebeeyay beelahooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON