Tuesday, July 1, 2025

Mid ka mida Weriyeyaashii ugu caansanaa oo ka tegaya Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da

Mid ka mid weryiyeyaashii ugu caansanaa Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa la shaaciyey inuu ka tegayo idaacadaasi, isagoo gelaya howlgab.

Cabdinuur Sheekh Maxamad Isxaaq oo BBC kasoo shaqeynayey ilaa sanadkii 1989, ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee shaqada BBC-da, sida ay baahisay BBC-da, wuxuuna lasoo shaqeeyay weriyeyaal ruugcadaa ah oo ay ka mid yihiin Cabdullaahi Xaaji Idris, Idris Xasan Diiriye, Maxamuud Sh Dalmar, Aadan Nuux Dhuulle, Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Xasan iyo Cabdi Siraad.

”Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray xataa wareysiga aad qaado sida aad u jarjari karto oo aad ugu habeyn karto waqtiga aad u haysato balse Radio Mogadishu ma jirin qof ama laba ka badan oo farsamada yiqiin oo waxaa xadidnaa qalabka, Idaacaddii aan ka shaqeyn jirnay ee dawladda Soomaaliya halku dhegeedu wuxuu ahaa ‘warbaahinta sida xalaasha ah uga tarjunta mabaadida kacaanka..” ayuu yiri Weriye C/nuur oo laga wareystay sidii uu shaqada ku bilaabay.

Cabdinuur Sheikh Maxamed ayaa BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga ka shaqeynayey muddo 30 sano ku dhow, wuxuuna ka mid noqonayaa weriyeyaasha sida weyn loo tebi doono oo howlgabka galay oo uu ugu danbeeyay Axmed Saciid Cige.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON