Monday, June 23, 2025

Midowga Afrika oo Go’aan adag ka qaatay Aflagaadadii Donald Trump, Dalabna u diray [Akhriso Qoraalka]

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo.

Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Midowga Afrika ku muujiyay sida uu uga caraysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Mareykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha.

Wakiilada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay “uga xun yihiin, ugana careysan yihin oo ay u diidan yihiin” hadalkii la sheegay inuu kasoo yeeray Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineysa in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Ad

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa u yeertay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aanan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale inay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin madaxweyne Trump fikradaan ka dhanka ah dalalka Afrika.

Hadalada lagu eedeeyay inuu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wadhadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

- Advertisement -

Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qorey Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay

AKHRISO QORAALKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON