Monday, June 23, 2025

Midowga Afrika oo kulan ka yeeshay Dacwadda Xuduudka Badda ee Somalia & Kenya [Dowladda Somalia oo diiday…]

Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika ayaa kulan ka yeeshay Arrinta Xuduudka Badda Somalia ee Kenya ay muranka gelisay, kadib markii ay Dacwad u gudbisay Kenya oo dooneysa inay carqaladeyso Dacwadda ka socota Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ.

Kenya ayaa kulanka u sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno iyo xooggan oo difaacda, iyadoo soo jeedisay in arrintan muranka Xuduudka Badda lagu dhammeeyo si Afrikaannimo ah, haddii kale ay ka imaan karto xaalad amni darro oo Alshabaab ka faa’iideysato.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceedka caddeysay mowqifkeeda ah in Dacwadda labada dal ee ka socota Maxkamadda Caalaniga ah ee Caddaaladda ICJ loo daayo, taasoo dib u bilaabeysa dhageysiga kiiskan 9-ka bishan September oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

Ad

Wasiiru dowlaha Arrimaha ayaa sheegay in Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo 5 sano ah hortaallo Maxkamadda ICJ, iyadoo aan la fahmi karin sababta keentay in xiliigan la hor geeyo Golaha Amniga Midowga Afrika. Somalia ayuu sheegay inaysan marna ka tanaasuleyn Dacwadda ay geystay Maxkamadda ICJ oo go’aankeeda ay ku go’do.

Kadib markii la dhageystay labada dal ee Somalia iyo Kenya ayaa Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika wuxuu dalbadan inay kulanka bannaanka ka tagaan labada dal ee is haya, waxaana uu sheegay kulan gaara, kaasoo looga hadlayo waxa uu noqonayo go’aanka ay ka qaadan doonaan arrintan, iyadoo la filayo inuu war kasoo saaro Khamiista oo kulan kale uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON