Golaha Midowga Musharixiinta oo kulan saacado dheer qaatay maanta yeeshay ayaa shaaciyey inu Goluhu sii jirayo, kadib heshiiskii Doorashada ee 27-kii bishan la saxiixay.
Afhayeenka Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda la hadlay ayaa bogaadiyey heshiiska la gaaray iyo dadaalkii loo galay in laga hortago inuu dalku galo xaalad keli-talis ah, muddo kordhin iyo fowdo oo Musharixiinta ay qeyb ka ahaayeen.
Mar uu ka hadlay mustaqbalka Midowga Musharixiinta, wuxuuna caddeeyay in dadaalkii Golaha Midowga Musharixiinta aanay ku kala tegeynin kadib heshiiska Doorashada ayna dadaalkooda sii wadi doonaan ilaa dalka Doorashada dalku ay meel mar ka noqoto.
Daahir Geelle ayaa u mahad celiyey Ra’iisal wasaaraha, ciidamada Qalabka sida ee ka hortegay keli talisnimada iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay inay ballan qaadayaan inay u tanaasulaan danta guud iyo meel marinta heshiiska la gaaray.
