Tuesday, July 1, 2025

Midowga Yurub & Dowladda Somalia oo kala saxiixday Mashruuc lagu dhisayo Wadooyinka Muqdisho & Berbera

Dowladda Somalia iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis mashruuc lagu dhisayo Wadooyinka magaalooyinka xeebaha ku yaalla ee Muqdisho iyo Berbera.

Saxiixa heshiiskan oo lagu maamuusay, looguna magac daray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow waxaa ku baxaya lacag dhan 23 Milyan oo Euro oo uu bixinayo Midowga Yurub, waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare Casan Cali Kheyre, Guddoomiyaha cusub ee G/banaadir iyo madaxda Midowga Yurub, waxaa kaloo goobjoogka ahaa Qoyska Marxuum C/raxmaan Yariisow.

Marshuucan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo beegmay 15 Milyan oo Euro, waxaana lagu dhisayaa wadooyin dhererkoodu gaarayo 17 KM oo Muqdisho ku yaalla, halka magaalada Berbera loo qoondeeyay 7.5 Milyan oo lagu xoojinayo awoodda dowldda hoose ee maareynta jidadka iyo bullaacadaha.

Heshiiska waxaa dhinaca Somalia u saxiixay Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Somalia Jamaal Maxamed Xasan, halka uu Midowga Yurub u saxiixay Stefano Manservisi agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Horumarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON