Tuesday, June 24, 2025

Midowga Yurub oo bilaabay inuu dowladda Federaalka si toos ah u siiyo Deeqaha uu bixiyo

Dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis deeq gaareysa 49 milyan Euro oo loogu talogalay waxbarashada.

Heshiiskan ayaa ka dhacay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho oo ay ka dhacday  Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 60-aad ee Midowga Yurub.

Waxaa xafladda ka qeyb galay Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Xubno ka ka socday Midowga Yurub, Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno kale.

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in heshiiska  ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub uu yahay mid ay dowladda Federaalka si toos ah u maamuleyso dhaqaalaha deeqda ah, iyaduna ay u qeybin doonto maamulada dalka.

Waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay Taariikhda in Wasaaradda Qorsheynta lagu wareejiyo maamulka Mashaariicda iyo deeqaha Midowga Yurub uu bixinayo, saxiixuna ay yeelaneyso Wasaaradda Qorsheynta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON