Ciidamada Xoogga Dalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saldhigii ugu horeeyay maanta kala wareegay Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
Ciidamada ATMIS ayaa Saldhigii hore ee degaanka Xaaji Cali, Gobolka SH/Dhexe ku wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo xaflad ka dhacday saldhigga, iyadoo ay ciidamada ka socda dalka Burundi ee saldhigaasi ku sugnaa isu diyaariyeen inay ka baxaan.
“Waa bilow taariikhi ah oo masuuliyadda amnigeena kula wareegeyno. Maanta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxa ay ATMIS kala wareegeen xerada Deegaanka Xaaji Cali uga sugnaayeen. Wasaaradda Gaashaandhiga waxaa ka go’an fulinta waajibaadka ka saaran in amnigeena si dhameestiran ula wareegno dhamaadka 2024” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nur oo arrintan ka hadlay.
Aakhirka Bishan June 2023 ayaa lagu wadaa in 2000 askari oo ATMIS ka tirsan laga dhimo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, iyadoo 3000 oo kale laga ari doono isla sanadkan.