Milkiilaha Maqaayadaha caanka ah ee The Village ayaa Qoraal dacwo ah u diray wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.
Qoraalka Axmed Jaamac ayaa ahaa cabasho iyo welwel uu ka muujiyay go’aan uu ku sheegay mid laga naxo oo Q/Midoobay ay Maqaayadiisa kula kacday markii ay shaqaalaha UK-ka ka mamnuucday inay tagaan ama ka cunteeyaan.
Natiijadii ka dhalatay digviintii Un-ka ayuu sheegay Milkiile Ahmed in maqaayadiisa ay soo wajahday xaalad adag oo maalin kasta uu sii luminayo macaamiil, isla markaasina dareemayo hoos u dhac ku yimid ganacsigiisa.

Wuxyuu dalbaday in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo arrinta keentay in Maqaayadiisa si gaara loo bartilmaameedsado. Qoraalka cabashada ah ayaa sidoo kale la ogeysiiyay madaxda dowladda Federaalka, xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Goobjooge.com