Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanno is baheystay ay wadaan mooshin lagu kala dirayo golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Waxaa mooshinka saxiixay xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo sheegay inay tiradoodu gaareyso 70 xildhibaan, kuwaasoo ku shiray Magaalada Jowhar kuna dhawaaqay inay ka soo horjeedaan tirada Wasiirada faraha badan iyo qaabka awood qeybsiga.
Mooshinkan diidmada Wasiirada uu magacaabay madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in maanta ay u gudbiyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo ay is casileen laba wasiir oo ka mida wasiirada la magacaabay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Arbacadii magacaabay Gole Wasiir oo ka kooban 57 xubnood, iyadoo aanay ku jirin Wasaaradda Haweenka oo aanay wali cidna loo magacaabin, isla markaana ah wasiirada ugu badnaa ee Hirshabeelle yeelato.