Wednesday, June 25, 2025

Mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug & Wararkii…

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmuduga ayaa sheegay in Mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Qaar ka mida Xildhibaannada Galmuudg ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa mooshin ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ee uu khilaafku kala dhaxeeyo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle, waxaana mooshinka ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka koowad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxayna ku eedeeyeen xil gudasho la’aan

Baarlamaanka Galmudug Garabka Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inay Berri kulan ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ajendihiisu yahay ka doodista mooshinka ka yaalla guddoomiye Cali Gacal Casir..

Arrintan ayaa uga sii dareysa khilaafkii ka dhaxeeyay maamulka Galmudug oo muddo dheer ay ragaadiyeen isku dhacyo siyaasadeed iyo dib u dhac weyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON