Monday, June 23, 2025

Mooshinka Jawaari oo sababay inuu Baaqo shirkii Baydhaba ee Madaxda dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada

Shirkii Golaha Amniga Qaran ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Baydhaba ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo aan waqti kale loo qaban.

Shirkan oo algu ballamay inuu ka qabsoomo magaalada Baydhaba kadib markii ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo ayaan la sheegay inay u qabsoomi waayay xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho, kana dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo xukuumaddu ay ku milantay.

Shirkan ayaa la filayay in heshiis looga gaaro arrimaha qeybsiga kheyraadka siiba bixinta sharciyadda kalluumeysiga badda Soomaaliya, waxaana weli socda dadaal lagu doonayo in shirkaasi waqti kale loo qabto.

Ad

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhex milantay mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxayna arrintaasi xaalad kacsan ka dhex abuurtay xafiisyada madaxda sare ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON