Wednesday, June 25, 2025

Mooshinkii Saldhigga Imaaraadka ee Berbera oo dusha loo saaray Xukuumadda Xasan Kheyre [Akhriso]

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ayaa su’aalo adag lagu weydiiyay Guddoonka Baarlamaanka oo lagu eedeeyay inuu caga jiidayo.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo hadal ka jeediyay fadhiga  ayaa sheegay in Mooshinka ay ka keeneen saldhigga Imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera uu ku horgudban yahay guddoonka isagoo dalbaday in maanta la bilaabo ka doodista Mooshinka.

Guddoomiye Jawaari oo iska fogeeyay eedahaasi ayaa ku dooday inaysan warbixin ka heysan heshiiskaasi loona baahan yahay in marka hore ay xukuumadda ay hor timaado Golaha, kana hadasho mowqifkeeda iyo waxa ay ka ogtahay.

Xildhibaanada ayaa  isku raacay in ra’iisal wasaare Xasan Khayre iyo xukuumaddiisa loo diro qoraal looga dalbanayo inay hor yimaadaan golaha shacabka, isla markaasina sharaxaad ka bixiyaan heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee Berbera.

Mooshinka ayaa laga cabsi qabaa inuu dib u sii dhaco, iyadoo qoraalka guddoonku u dirayo xukuumadda ay noqon doonto in la furo kalfadhiga labaad ee Bisha July, iyadoo uu fasax geli doono Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON