Sunday, August 3, 2025

Mooshinkii xaaladda Laascaanood oo la hakiyey iyo Dood kulul dhex martay xidhibaannada..

Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta looga halay xaalada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, iyadoo doodo kulul ay is weydaarsadeen xildhibaannada.

Xildhibaannada kasoo kala jeeda Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan Gobollada SSC ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada magaalada Laascaanood oo bannaanbaxyo rqabashado wata ay ka socdaan maalintii 5-aad, iyadoo ciidamda Somaliland ay ku dilen 7 qof oo shacab ah.

Xildhibaan Cabdi Qawdhan oo kasoo jeeda degaanadaasi ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Sool ay ay ahayd in Dood laga furo Baarlamaanka, balse aanay dhicin, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Somaliland inay tacdiyo ku hayaan dadka La.

“Dadkaas waa dhibaatada u geystay ma aha qabiil.., waa maamulka meesha ka taliya.. saacadan aan joogno xasuuqu waa scocdaa, tacadiga waxaa heystay maamulka Muuse Biixi..” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Qowdhan.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo kasoo jeeda degaanda Somaliland ayaa isna sheegay in waxa ka socda magaalada Laascaanood ay tahay wax laga xumaado, wuxuuna ku dooday in dilal qorsheysan ee ka dhaca magaalada aanu ka danbeyn maamulka Somaliland, taasoo uu sabab uga dhigay in gacmo shisheeye ay ku jiraan, maadaama qaar ka mida mas’uuliyiinta maamulka lagu dilay.

“Maareeye isagaa laga rabaa inaysan ciidamada Somaliland leynin dadka Laascaanood, annaga waxaan heynaa caddeymo ciidamada Somaliland oo dilaya shacabka Lascaanood” ayey tiri Xildhibaan Sahra C/llaahi Bun-dubte oo u jawaabay xildhibaan Maareeye.

Waxaa maanta socon waayey Mooshin ay Guddoonka u gudbiyeen xildhibaanno doonayey in ajendaha lagu daro arrinta ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laas-caanood.

Qaar ka mida xildhibaannada ayaa ku eedeyay Guddoonka Golaha Shacabka inuu hor istaagay Mooshinkii, iyagoo sheegay inay Isniinta kusoo celin doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON