Monday, January 30, 2023

Ciidamada Hay’adda NISA iyo Haramcad oo loo dhaqaajiyay Gobolka Sh/Hoose

Howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda ayaa ka socda Gobolka Sh/Hoose oo markii ugu horeysay laga dareemay dhaqdhaqaaq milateri oo ka dhan ah Alshabaab oo dagaallo uga socdeen Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Warbaahinta dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada Dowladda ay Alshabaab kala wareegeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo ay horay ugu sugnaayeen Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay talisyada ciidamada dowladda.

Ad

Howlgalkan oo la sheegay inuu qorsheysnaa ayaa sidoo kale Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay muuqaallada ciidamo howlgallo ka wada degaanada Xeebta ee Gobolka Sh/Hoose, inkastoo aanay jirin ilo madax bannaan oo xaqiijiyay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabaab.

Arrintan ayaa ka dhigan in dagaalka ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay kula jiraan Al-Shabaab uu hadda ku fiday gobolka Shabeellaha Hoose.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!