Friday, June 27, 2025

Mooshinkii xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in Cod loo qaado

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaasi ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Kulanoo ka furmay xarunta Shirarka Farjano oo lagu doortay madaxda Hirshabeelle, waxaa la filayaa in lagu furo Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Waxaa kulanka guddoominaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise, iyadoo ay xaadir yihiin xildhibaano tiradooda lagu sheegay 70 oo ah kooram iyo tiro xilka ka qaadi karta madaxweynaha.

Xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa ui baahan 3/2 tirada xildhibaanada Baarlamaanka  Hirshabelle oo 99 xildhibaan ka kooban, waxaana xil ka qaadistiisa ay u baahan tahay 66 cod.

 

Ammaanka xarunta uu ka socdo kulanka baarlamaanka Hirshabeelle ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa in cod loo qaado xil ka qaadista Cali C/llaahi Cosoble oo ku socda jidkii madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON