Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay qabteen Mooto Bajaaj miineysan oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa.
Ciidanka Nabadsugidda ayaa sheegay inay degmada Afgooye ku qabteen Mooto ay saarnaayeen walxaha Qarxa iyo jaakadaha qaraxa loo adeegsado.
Saraakiil ka tirsan NISA ayaa SONNA u sheegay in Mootadaan ay saarnaayeen walxaha Qarxa oo ay ka mid ahaayeen Jaakado ay Qaraxyo ku xiran yihiin oo aan la ogeyn halka loo waday.
Mootada ayaa la sheegay inay ku soo jeeday Muqdisho oo qarxyo laga fulin rabay xilli lagu soo diyaariyay jaakado iyo qaraxyo.
Ciidamada NISA ayaa gacanta lagu hayo Mootada iyo Ninkii waday, waxaana ku socdo baaritaan lagu ogaanayo cidda ay u rarneyd.
Goobjooge.com