Monday, June 23, 2025

Mukhaar Roobow oo Gurmad ka dalbaday K/Galbeed [Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka]

Wrarkii ugu danbeeyay ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalka Alshabaab ku qaadeen Wadaadka ka goostay ee Mukhtaar Roobow Cali uu weli socdo.

Saraakiisha maamulka K/Galbeed ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu dalab gurmad ah u soo dirtay maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana la diyaarinayo sidii ciidamo loogu diri lahaa.

Dagaalka oo saaka aroortii bilowday ayaa lagu soo warramay inuu weli socdo, iyadoo maleeshiyada Alshabaab ay hareereeyeen degaanka Abal ee saldhigga u ahaa ciidamada taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow.

Ad

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Alshabaab ay qabsadeen gaarigii Sheekh Roobow, isguna uu dirqi uga baxsaday. Dagaalka waxaa dhinaca Alshabaab hoggaaminaya guddoomiyeyaasha gobollada Galgaduud iyo Bakool, halka Sheekh Roobow uu laftiisa hoggaaminayo ciidamada difaacaya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON