Musharaxa Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa haddii xilka loo doorto, isagoo sheegay inuu wax ka qaban doono arrimaha amniga iyo waxbrashada.
Musharaxan oo Guddiya Doorashada K/Galbeed ay caddeyeen inuu ka qeyb geli karo Doorashada madaxweynaha maamulkaasi ayaa hore waxaa musharaxnimadiisa uga hor yimid xukuumadda Soomaaliya oo wasaaradeeda amniga ay war-saxaafadeed ka soo saartay.
“Waxaan balanqaadayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto meel cilmiga loo soo doonto, waxaan badin doonaa oon hirgelin doonaa Jaamacado farabadan iyo goobo kale oo Cilmiga Maadiga lagu barto..” ayuu yiri Muqtaar Roobow oo ka hadlay xaflad shalay ka dhacay Baydhaba.
Cadaadiska la saaray Sheekh Mukhtaar Roobow wuxuu sii kordhiyay taageerada loo hayo, waxaana loo arkaa inuu yahay musharax ka duwan siyaasiyiinta lacagaha wada iyo madaxaweynaha xilka haya, isagoo dadku rajo badan ka qabaan inuu wax ka qaban karo xaaladda amniga iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab oo ah arrinta ugu muhiimsan ee maamulkaasi heysata.
Sheekh Mukhtaar Roobow taageerada loo hayo waa mid dabiici ah, waxayna ku timid shaqsiyadiisa, laakiin musharixiinta la tartamaya waxay ku tiirsan yihiin taageero kale iyo lacag, taasoo doorashada Koonfur Galbeed ka dhigtay mid ka mida kuwa ugu adag in la saadaaliyo.
Haddii xildhibaannada K/Galbeed ay si xor ah u codeeyaan waxaa dhici karta in mucjiso siyaasadeed ka dhacdo magaalada Baydhaba, halkaasina madaxweynaha K/Galbeed loogu doorto Sheekh Roobow, laakiin saadaasha lama filaankaas oo si weyn markii hore loo hadal hayey ayaa hadda waxaa hoos u dhigay markii doorashada ay soo faragelisay dowlada Federaalka.