Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in musharaxa u taagan Xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu ku gacan seyray go’aankii wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya oo looga reebay musharaxnimada.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inaysan waxba iska bedelin go’aankiisa, isla markaana aanu ka hadleynin qoraalka Wasaaradda Amniga, balse arrintaasi uu kala hadlayo madaxda sare ee dowladda marka uu ogaado mowqifkooda.
Sheekh Roobow ayaa maanta kulamo la yeeshay waxgaradka beelaha Koonfur Galbeed iyo xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaasi qaarkood, isagoo kala hadlay xaaladda musharaxnimadiisa, waxayna ku taageereen inay mowqifkiisa ah inuu u tartamo xilka madaxweynaha K/Galbeed.
Dhinaca waxaa maalinta berri ah magaalada Baydhaba ka dhaceya xaflad si rasmi ah loogu dhawaaqayo musharaxnimada madaxweyne ee Sheekh Mukhtaar Roobow, iyadoo lagu casuumay xildhibaannada iyo waxgaradka inay ka soo qeyb galaan Xafladda ku dhawaaqista Musharax Madaxweyne Mudane: Mukhtaar Roobow Cali, iyadoo xafladaasi ay ka dhici doonto Hotel Bayer Munich/Hotel Guuraaw.