Monday, July 14, 2025

MUQDISHO: Askar loo xiray Qarixii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir

Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa xabsiga qaar ka mida ciidamada ilaalada xarunta degmadaasi oo maanta qarax is-miidaamin ah ka dhacay.

Askartan oo saddex xubnood ka kooban ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii ku qornaa ilaalada iridka laga galo xarunta degmada oo gaari sida waxyaabaha qaraxa uu gudaha u galay kadibna is qarxiyay.

Dayac amni oo weyn ayaa ka jiray xarunta degmada oo markaasi uu ka socday shir ay lahaayeen ururka dhalinyarada degmada Wadajir ayna ku sugnaayeen madaxda maamulka degmada intooda badan.

Nin is-miidaamiye ah oo waday Gaariga miineysan ayaa awood u helay inuu gudaha u galo xarunta Degmada iskuna dhex qarxiyo, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay ku suuragashay arrintan iyo inay ka hortegi waayeen ciidamadii ammaanka degmada.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON