Askari ka tirsanc iidamad Booliska ayaa toogasho ku dilay nin dabley ah oo ka mid ahaa koox dooneysay inay khaarijiso, kadib markii uu si degdeg u dagaalamay.
Falkan ayaa ka dhacya goob Maqaayad ah oo ku taalla Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho. Koox ka kooban laba ilaa saddex nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa beegsaday Askariga oo feejignaa, waxaana dhacday in askariga uu rasaas ooda uga qaado intii uu bistoolad lasoo baxayey mid ka mida dableyda oo doonayey inuu dilo.
Waxaa goobtii ku geeriyooday dabley la sheegay inuu Alshabaab ka tirsanaa oo bistoolad sitay, waxaana goobta ka baxsaday laba kale oo la socday ninka la dilay, iyadoo uu Askariga ka badbaaday falkii lagu dili lahaa.
Waxaa goobta gaaray ciidamada Amniga iyo ciidamo uu watay guddoomiyaha degmada Kaaraan, oo halkaasi ka qaaday meydka dableyda ka tirsanaa Alshabaab ee la dilay.
Qaar ka mida ciidamada dowlad ayey u suuragashaa inay ka hortagaan weerarrada ay ku soo qaadaand dabeyda Alshabaab, kuwaasoo dhaawac iyo dhimasho u geysta dableyda Alshabaab u qaabilsan khaarijinta.
