Monday, November 30, 2020
More

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga ‘KALA GURKA’ ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii dowladda ee sharciga ahaana ay ka harsan tahay 3 bilood.

    Isagoo xildhibaannada Baarlamaanka u jeediyey barnaamijka xukuumadiisa oo uu ku dalbaday in kalsooni la siiyo Golaha Wasiirada uu soo dhisay ayuu Ra’iisal wasaare Rooble adeegsaday ereyga ‘ISLA GUURKA’ halkii ay ahayd ‘KALA GUURKA’.

    Ad

    “Waxaan idin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay inay ka tarjumeyso marxaladda dalku marayo ee waqtiga ‘Wada-guurka’..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo dhowr jeer ku celiyey ereyga ‘WADA-GUURKA’

    Lama oga ujeedka Ra’iisal wasaaraha, laakiin waxaa loo micneyn karaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay inuusan ogoleyn xaaladda kala guurka ah ee uu kusoo beegmay inuu doonayo dowlada hadda jirta inay sii joogto ama dib u soo laabato Doorashada kadib.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,603FansLike
    2,189FollowersFollow
    5,703FollowersFollow
    151,603FansLike
    2,189FollowersFollow
    5,703FollowersFollow

    TOP NEWS

    Abiy Ahmed oo bixiyey Sir ku saabsan sidii ay Tigreega afduubka ugu heysteen Itoobiya iyo halistii ay geliyeen isaga

    Ra'iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bixiyey xog badan iyo sir ku saabsan sida madaxdii Tigreega ay afduubka ugu heysteen maamulka dowladda Itoobiya, ayna...

    XOG: Qoorqoor go’aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021 iyo Musharixiinta Mucaaradka oo kulankii..

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa go'aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021, kadib arkii uu iska dhega tiray cadaadis ay saareen Siyaasiyiinta,...

    Wakiilada Beesha Caalamka oo Garowe u tegay xalinta Muranka ka taagan Doorashooyinka Federaalka

    Wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta tegay magaalada Garowe, iyagoo la sheegay inay xal u raadinayaa muranka hareeyay Doorashda Soomaaliya. Wafdiga tegay Garowe...

    Midowga Musharixiinta oo Muqdisho Shir degdeg yeelanaya iyo Xaalado soo kordhay oo looga hadlayo..

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uu goor dhow shir degdeg uga furmi doono caasimadda. Shirkan oo qabanqaabadiisa ay...

    Macalinkii Alshabaab-ka noqday ee Ilka-case iyo xubno kale oo Toogasho ah lagu fuliyey (Akhriso dadkii uu dilay)

    Waxaa saaka Dil toogasho ah ku fuliyay Maxamed Xaaji Axmed oo (Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo...

    Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo shaaciyey inay qabsadeen Caasimadda Tigray, lana raadinayo Madaxtii TPLF

    Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, kadib dagaal culus oo ka dhacay. Taliyaha ciidamada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa shaaciyay...

    Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay. “Waxaan codsanayaa in xoogaa la ii daayo meesha..”

    Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Axmed Ciise Cawad. Xaflad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!