Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Dil askari ka mida ciidamada dowladda u geystay darawal Mooto Bajaaj oo maryey Isgoyska Howlwadaag.
Dilka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada NISA ee dowladda, kuna sugan isgoyska Howlwadaag uu ku amray Darawalka Mooto Bajaajta inuu dib u celiyo Mootada, iyadoo markaas kadib rasaas madaxa uga dhuftay.
Mooto bajaajlaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed C/salaam Cali, waxaana Mootada u saarnaa Hooyadiis iyo walaashiis oo hortooda lagu dilay, waxaana halkaasi ka bilowday bannaanbax weyn oo Darawaliinta Bajaajta iyo Dadweynaha oo xirtay Wadooyinka.
Bannaabaxyo rabshado wata oo ka socda Isgoyska Howlwadaag iyo agagaarkiisa ayaa dhaliyey in ciidamada ay rasaas kale dadka ku furaaan, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale, iyadoo midkood la sheegay inuu dhaawacii u dhintay.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo dilalka ciidamada dowladda kula kacaan Darawaliinta Mooto bajaajta ay soo taxnaayeen muddo sanado ah.
