Thursday, June 26, 2025

MUQDISHO: Ciidamo la dul dhigay Goob uu xaflad uu qabsan lahaa siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo la dul dhigay hotel la sheegay inuu xaflad ku qabsan lahaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Waxa al xiray wadooyinka gala Hotelka ayaa ah City Palace ee u dhow Garoonka Diyaaradaha iyo halka uu degan yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaana lagu arkay gaadiidka ciidamada Booliska, iyadoo ujeedku yahay in la joojiyo Munaasabad baroordiiq ah oo la shaaciyey in loo sameynayo weerarkii sanad ka hor lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/Shakuur.

Waxaa dhinaca kale saaka la xiray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo loo diiday Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana magaalada la geliyey xaalad amni oo culus.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in xuska baroordiiqda loo bedelay galabta, iyadoo aan la ogeyn inuu dhici doono iyo inkale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON