Wednesday, June 25, 2025

MUQDISHO: Gaari weyn oo Qarax looga shakiyay & iyo degaanka Ceelgaab oo gebi ahaan la xiray [Sawirro]

Gaari weyn oo laga shakiyay ayaa yaalla agagaarka Ceelgaabta, magaalada Muqdisho iyadoo muddo ku dhow saacad uu xiran yahay Jidka Ceelgaabta.

Gaarigan oo ah nooca xamuulka ee UD ama Candhameedle loo yaqaan ayaa waxaa ku rarran kartoomo buux dhaafiyay, waxaana dadka Muqdisho oo sas ka qaaday qarixii Soobe ee lagu hoobtay ay ka shakiyeen Gaariga.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu gaariga yaallo, waxaana loo diiday dadka iyo gaadiidka, dadka dagaankaasi ayaa sheegay in ninkii waday gaariga uu carrarray iyadoo markii la qabtay uu sheegay inuu cabsaday ee aanu wax dhibaato ah wadin.

Xaaldda ayaan weli kala caddaan inkastoo aanay wax dhibaato ah dhicin, shakiga laga qabo gaariga ayaa weli taagan, waxaana la filayaa in ciidamada qaabilsan qaraxyada ay goobta gaaraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON