Thursday, July 17, 2025

MUQDISHO: Goob dab ka kacay oo Bambooyin lagu weeraray & Dad ku dhintay

Iyadoo ay sii kordhayaan falalka weerarada iyo Bambaanooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa weerar kale lagu qaaday xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.

Laba qof oo ayaa la soo weriyay in lagu dilay qarax Bam gacmeed lagu tuuray Goobo ganacsi oo  xiligaasi uu uu dab qabsaday Xaafadda Suuqa Xaalaha, waxaana halkaasi ka dhacay dhaawacyo soo gaaray dhowr qof oo kale.

Goobta ayaa markii hore dab ka kacay, waxaana u gurmaday kooxda Dab damiska iyo ciidamo ku guuleystay inay damiyaan dabka, kadibna waxaa lagu soo qaaday weerarkan oo keenay inay ku dhintaan laba ruux, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Banadir.

Dabka ayaa baabi’iyay in ka badan 7 dukaan  oo lagu iibin jiray Qalabka Elektarooniga, Bagaashka, ayna ku dhowaayeen goob shidaalka lagu iibiyo.

Xaaladda ammaanka Muqdisho ayaa kasii dareysa iyadoo Alshabaab ay sii xoojiyeen weeraro kala duwan oo joogto ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON