Tuesday, July 8, 2025

Muqdisho: Guddoomiye degmo oo gurigiisa lagu weeraray & Qaraxyo laga maqlay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar Bam lo adeegsaday lagu qaaday guriga gudoomiyaha degmda Hodon ee magaalada Muqdisho Axmed Salaad.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu Bam gacmeed lagu tuuray koox dabley ah oo markii ay weerarka geysteen kadib baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in qof haweeney oo guriga ku sugneyd ay  ku dhaawacantay qaraxa lagu tuuray guriga gudoomiyaha degmada Hodon, waxaana halkaasi ka dhacay rasaas ay fureen ilaalada guriga guddoomiyaha.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in madaafiic ay ku soo dhaceen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xerada Xalane.

Xaaladda ammaanka Muqdisho ayaa ka sii dareysa iyadoo kooxda Alshabaab ay sii kordhiyeen weerarada iyo khaarijinta ay ka wadaan caasimadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON