Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar-jajab ayaa maanta xilka la wareegay, kadib markii muddo toddobaad gudihiis ah loo magacaabay laba jeer inuu guddoomiye ka noqdo laba degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Gudomiyaha Cusub ee Maamulka Degmada Xamar-jajab Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oronjo) ayaa 31-kii Disembar ee 2018 loo magacaabay guddoomiyaha degmada C/casiis, laakiin maalmo kadib ayaa haddana loo magacabaay guddoomiyaha degmada uu maanta xilkeeda la wareegay ee Xamar-Jajab, taasoo ay ugu wacneyd Madaxweyne Farmaajo oo ka hor yimid magacaabidii hore. [Akhriso Warkan].
Xil wareejinta waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Wasiiro ka socday Dowlada Federaalka, Madax ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale, waxaana xilka wareejiyey Guddoomiyihii Hore ee Degmada Xamar-jajab oo hadda ah Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cabdiweli Maxamed Cabdulaahi.
Magacaabidda xilalka guddoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir ayaa noqday kuwo aan la saadaalin karin oo isbedelkoodu joogto yahay, iyadoo ay faragelin toos ah ku hayaan madaxda sare ee dowladda.