Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda Qalabka sidda ayaa maanta la soo taagay Dhamme Cabdi Jaamac oo ku eedaysan dilka wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn looga xumaaday magaalada Muqdisho.
Dilka 23 December 2019 ka dhacay degmad Hodon ee magaalada Muqdisho ayuu sarkaalkani dilay Marxuum C/laahi Faarax Toxob oo ka mida dhalinyarada Muqdisho, waxaana maxkamadda la hor keenay caddeymo ku saabsan sida Dilka u dhacay.
Hoggaanka Baarista Denbiyada ee CID-da ayaa soo bandhigtay Sheybaarka lagu sameeyay kiiskan markii la is waafajiyey Rasaastii uu adeegsaday Sarkaalka ee dishay Marxuumka.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray Dhamme Cabdi Jaamac (Cabdi Canjeex, 25-kii Disemba 2019, markii looga shakiyey inuu ka danbeeyay dilka Marxuum