Monday, June 30, 2025

MUQDISHO: Koox hubeysan Dil Qorsheysan ku dishay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan fal dil ah ka fuliyeen degaanka Ex. Koontarool Afgooye, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dalbey ka kooban laba qof oo ku hubeysan bistoolado ayaa toogasho ku dilay laba askari  oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Ex-kontrol Afgooye, kadib markii ay weerar kedis ah ku qaadeen rasaas darandoori ahna ku fureen, iyagoo goobta ka baxsaday.

Waxaa halkaasi durbadiiba gaaray ciidamada amniga oo goobta dilka ka dhacay u dhowaa, laakiin kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan dableyda dilka geysatay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa  sheegatay dilka askarta ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ee lagu diley Ex. Kontrol Afgooye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON