Falkii labaad oo dil khaarijin ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho maanta, kadib markii nin dabley ah oo Bistoolad ku hubeysan uu toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse isna halkaasi ayaa lagu toogtay.
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Fagax, agagaarka Hotelka Ex. Lafweyn, waxaana ninka dableyda ah uu toogasho ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo goobtaasi ku sugnaa, laakiin daqiiqado kadib ciidamo ka ag dhowaa goobta uu falka ka dhacay ayaa toogasho ku dilay ninka dableyda ahaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay in meydadka askariga iyo ninka bistoolada ku hubeysnaa oo loo maleynayo inuu Ashabaab ka tirsanaa ay halkaasi ka qaadeen ciidamada amniga, iyadoo aanay jirin faahfaahin kasoo baxday Hay’adaha amniga.
Shalay ayay ahayd markii laba dabley ah oo toogasho ku dishay askari ka tirsan ciidamada dowladda la qabtay markii mid ka mida la dhaawacay, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.