Qaraxa Bam gacmeed ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii nin laga shakiyey ay eryadeen ciidamada amniga.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Waaberi, agagaarka Isgoyska dabka, waxayna ciidamadu ka shakiyeen nin la sheegay inuu watay Bac madow oo waxyaabo fiilooyin ka muuqdaan, wuxuuna diiday inuu istaago oo la baaro, taasoo keentay inay Ciidamada eryadaan, balse ninkaasi ayaa Bam gacmeed ku tuuray ciidamaduu ku raad joogay, taasoo qaraxeeda laga maqlay degmada u dhow degmada Waaberi.
Qaraxa Bamka ayaa la sheegay inuusan dhalin wax qasaare ah, laakiin waxaa ninkii u suuragashay inuu baxsado, iyadoo raadkiisa la waayey qaraxa kadib.