Monday, June 23, 2025

Muqdisho oo laga mamnuucay Askarta hubeysan iyo socodka Mooto Bajaajta kadib Xilliga…

Ciidamada Booliska ayaa soo saaray Amar lagu mamnuucayo socodka Mooto Bajaajta wixii ka danbeeya Saqda Dhexe ee habeenkii.

Afhayeenka ciidamada Booliska ayaa Goor dhoweyd shaaciyey go’aankan, isagoo ku dhawaaqay in Booliiska uu magaalada Muqdisho ka mamnuucay Mooto Bajaajta xiliga habeenkii wixii ka dambeeya 12:00AM Saqda Dhexe.

Waxaa kaloo la amray ciidamada hubeysan inay magaalada ku dhex socon karin, iyadoo ciddii hubeysan ee la arko sharciga lala tiigsan doono, sida uu yiri Afhayeenka Booliska, iyadoo Taliska Milateriga uu Amar kan la mida soo saaray.

Ad

Waxaa Dembi laga dhigay Mooto Bajaaj shaqeyneysa wixii ka dambeeya 12:00AM Saqda Dhexe iyo ciidamo hubeysan ama dad Qoryo sida oo dhex wareegaya Xaafadaha magaalada Muqdisho.

Boolisku wuxuu kaloo amar kasoo saaray Xeebta Liido ee degmada Xamarweyne inay tegi karin askar iyo ciddii hubeysan ee kale oo aan ka mid ahayn ciidamada ka howlgala.

Amarradan ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo wejigiisii labaad la shaaciyey inuu bilaabanayo, wuxuuna Boolisku soo bandhigay waxqabadka ciidamada Booliska, iyado 72 saacadood lagu soo qabtay Khamri 100 Dhalo ka badan, 7 Jawaan oo Xashiish ah iyo Tuugo fara badan, Mootooyin ay wateen iyo Hub kala duwan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON