Sunday, February 5, 2023

Xasan Sheekh iyo Afwerki oo kormeer ugu tegay Qeyb cusub oo ka mida Ciidamada jooga Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhex jira socdaalkii uu ku joogay dalka Eritrea ayaa booqday magaalada Dekadda ah ee Massawac, isagoo la kulmay qayb labaad oo ka mida ciidamada Soomaaliya ee lagu tababatay dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kormeerka ku wehliyey Isaias Afwerki madaxweynaha Eritrea, waxaana looga warbixiyey ciidamada oo loo tababaray dhinaca Badda iyo farsamada, isagoo xaaladooda ka wareystay.

Sawirro laga qaaday kormeerka labaad iyo qeybta labaad ee ciidamadan nkaas ayaa muujinaya ciidamada Soomaaliya oo la socdo doonyo, iyo kuwo badda quusa.

Ad

Madaxweynaha ayaa shalay la kulmay kumannaan ciidamadan ah oo lagu tababary dalkaasi oo ahaa kuwa Lugta, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh aanay ku wehlin cid ka mida wafdigiisa safarrada uu kula kulmayo ciidamada Soomaalida ee Eritrea.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!