Wednesday, July 2, 2025

Puntland oo shaacisay sababta ay Dib ugu celisay Diyaaradii ay la socotay Ku-simaha Madaxweynaha

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay shaqaaqo ka dhacday Garoonka Magaalada Boosaaso iyo Diyaarad ay la socotay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka oo Dib looga celiyey Garoonka.

Wasiirada Puntland u qaabilsan Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha gudaha Cabdisamed Maxamed Gallan & Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ka sheegay in iska hor imaadka ciidamada ilaalada Garoonka Boosaaso iyo ciidamo isku dayey inay hub la galaan.

Ciidamada PSF ayay sheegeen inay doonayeen inay gudaha u galaan garoonka, balse taasi ay hor istaageen kciidamada ilaalada ka ah Garoonka oo amarkaas qabay, dagaalkii maanta dhacayna ay sababtiisa lahaayeen Ciidamada PSF oo doonayay inay hubka la galaan Garoonka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Diyaaradii laga celiyay Garoonka boosaaso oo ay la socotay Sacdiyo Yaasiin Samatar aysan wax War ka heynin, ayna si kedis ah uga warheleen in diyaaradu sida gargaar ay kasoo degi rabo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid laga baaqsan karay si aysan u dhicin in gargaar aysan ka warhelin Hay’adihii Puntland ee arrintan quseysay, balse la ogaaday markii ciidamada PSF ee garoonka tegay ay Hay’adaha Amniga u sheegeen inay diyaaradaasi sugayaan.

Wasiirada Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday inay ilaaliso nidaanka federaalka oo ixtiraamto dowladnimada Puntland, taasoo sabab u ah dib u celinta diyaaradda iyo wafdiga Sacdiya Yaasiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON