Tuesday, July 1, 2025

Dagaal ka dhashay socdaalkii Xil. Sacdiya Yaasiin ee Boosaaso iyo Diyaaradii oo Dib u noqotay

Khilaaf ka dhashay socdaal ay maanta magaalada Boosaaso ku tageysay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa dhaliyey iska hor imaad Garoonka Boosaaso ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada Badda Puntalnd ee PMPF iyo ciidamada gaarka ah ee PSF, wuxuuna salka ku hayey degista diyaaradda siday Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad, iyadoo ciidamada Badda Puntland oo amar ka heysta maamulka Puntland ay doonayeen inay celiyeen diyaaradda, halka kuwa PSF ay dadaal ugu jireen inay soo degto, lana soo dhoweeyo wafdiga.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Diyaaradda ay markii dambe ka degtay garoonka Boosaaso, balse xaaladda oo cakiran darteed ay mar kale dib uga duushay Garoonka, iyadoo hadda kusoo wajahan caasimadda Muqdisho oo ay kusoo laabaneyso.

Iska hor imaadka labada ciidan ayaa dhaliyey xaalad amni darro iyo qasaare u badan dhaawacyo, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ay ku doodeen inay fasax heysan diyaaradda siday Sacdiya Xaaji Yaasiin.

Diyaaradda oo ka duushay saaka magaalada Muqdisho ayaa siday gargaar loogu talogalay dadka abaaruhu saameeyeen, waxaana la socday xubno ay ka mid yihiin Sii-hayaha wasiirka Gargaarka xukuumadda Federaalka iyo xubno kale.

Dib u noqoshada Wafdiga, Diyaaradda iyo Gargaarkii ay siday ayaa yimid, markii maamulka Puntland ay ka hor yimaadeen in gargaarkaasi laga dejiyo magaalada Boosaaso, iyagoo ka hor yimid qaabka ay Guddoomiye ku xigeenka Sacdiyo Yaasiin uga tallaabsaday maamulkooda.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland iyo dowladda Federaalka, waxaana saacad kadib la sugayaa inay Diyaaradii ka degto caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON