Saturday, August 13, 2022

Puntland oo isku dayday inay Celiso Diyaarad siday Ku-simaha Madaxweynaha Somaliya iyo xiisad..

Xiisad milateri ayaa ka dhalatay socdaal ay maanta magaalada Boosaaso ku tagtay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Xaaji Yaasiin oo hadda ah ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Maamulka Siciid C/llaahi Deni uu amray in diyaaradda sida Sacdiya Yaasiin dib loo celiyo, taasoo ay ka hor yimaadeen ciidamada PSF ee Puntland, waxaana garoonka isugu tegay laba ciidan oo midkood doonayo inay soo degaan wafdiga Sacdiya Yaasiin iyo qaar ka horjeeda oo ah ciidamada loo yaqan PMPF.

Amarka madaxda Puntland ee ahaa in hawada laga celiyo diyaaradda siday Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Xaaji Yaasiin oo siday gargaar Bani’aadamnimo ayaa shaqeyn waayey, waxaana ugu danbeyn ay ka degtay garoonka magaalada Boosaaso, inkastoo xaaladu weli cakiran tahay.

Ad

Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo fara badan ayaa lagu arkay afaafka hore iyo xeyndaabka egaroonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana la maqlay rasaas ka dhacaysa agagaarka Garoonka, iyadoo iska hor imaadka labada ciidamada ciidamada Badda Puntland ee PMPF iyo Ciidamada Gaarka ah ee PSF uu dhaliyey qasaare kala duwan.

LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON