Diyaargarow balaaran oo lagu soo dhoweynayo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa ka socda magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa wareejiyay xilkiisii hore ee Qunsulka Safaaradda Soomaaliya, waxaana shalay xaflad kooban oo sagootin ah loogu sameeyay xarunta safaaradda magaalada Washington.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay sawirrada guddoomiyaha cusub, iyadoo dgemooyinka iyo gobolka diyaariyay soo dhoweyn balaaran oo loo samneynayo guddoomiyaha cusub.
XIl wareejinta ayaa lagu wadaa inay degdeg u dhacdo sida ay ku taliyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
SAWIRRO
Goobjooge.com